Waa Nuqul Dawli ah – lama iibin karo JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH SOMALILAND REPUBLIC ﺪﻨﻼﻴﻠﺍﻤﻭﺼ ﺔﻴﺮﻭﻬﻤﺠﻠ ﺔﻴﻤﺴﱠﺮﻠﺍ ﺓﺮﺸﱠﻨﻠﺃ OFFICIAL GAZETTE XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE QARANKA JSL, HARGEYSA E-mail: [email protected] Sanadka: 6aad Cadadka: 1aad ee January Taariikh: 04/02/2017 QIIMAHA CADADKA: SL. Sh. RUKUNKA (Subscription): QIIMAHA FAAFINTA AAN DAWLIGA AHAYN ee Qaybta Shanaad: Sadarkii Boggii kastaaba SL. Sh. TUSMADA CADADKA QAYBTA KOWAAD: XEERARKA BAARLAMAANKA, HESHIISYADA CAALAMIGA AH IYO MIISAANIYADDA QARANKA: 1) Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo G/Deegaanka 3 Lifaaqa 6aad ee JSL (Xeer Lr.20/2001) 2) Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka 46 3) Dhaqan-galka Xeerka Maamulka iyo Maaliyadda Qaranka Xeer Lr. 75/2016 (wuxuu ku soo baxay Cadad gaar ah) 4) Dhaqan-galka Xeerka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Xeer Lr. 76/2016 (wuxuu ku soo baxay Cadad gaar ah) QAYBTA LABAAD: XEER MADAXWEYNE: 5) XEER MADAXWEYNE 6) WAREEGTO MADAXW LErY: 0N7E56/012017 50 Magacaabid , Wareejinta Maamulka iyo Mi—isa1a—ni yadda Maxkamadaha 51 7) XEER MADAXWEYNE Hoose , Qors haha Deg-dega ah ee Joojinta Sicir-bararka QA YBTA SADEXAAD: XEER NIDAAMIYAYAASHA WASAARADAHA, XEERARKA GOLAYAASHA DEEGAANKA, NATIIJOOYINKA 54 DOORASHOOYINKA & BARNAAMIJYADA DAWLADA: 8) SOOMA BIXIN QAYBTA AFRAAD: GO’AANADA MAAMUL & QARAARADA: 9) SOOMA BIXIN QAYBTA SHANAAD: AMARADA, OGEYSIISYADA & QANDARAASYADA DOWLADA: 10) Xafiiska Xeer illaalinta Guud 60 11) Diiwaan Gelin Shirikada Durdur Energy Comapany, Xafiiska Xeer illaalinta Guud 61 12) Diiwaan Gelin Shirikada Dhaqaalo Kaab Investment, 63 Xafiiska Xeer illaalinta Guud 13) Diiwaan Gelin Shirikada Amaan PLC 65 XafiDisikiwa aXaene Gr eillilna aAllilnat-aA aGmuiund P harmaceutical & Agro- V14et) Import Co XafiDisikiwa aXaene Gr eillilna aSlhinirtiak aGduau Tda cab Wanaag Mining 66 C1o5m) pany 68 Xafiiska Xeer illaalinta Guud Diiwaan Gelin Shirikada Dahab Oil Industrial —2— QAYBTA KOWAAD: XEERARKA BAARLAMAANKA, HESHIISYADA CAALAMIGA AH IYO MIISAANIYADDA QARANKA: REPUBLIC OF SOMALILAND THE PRESIDENT JSL/M/XERM/249-4518/012017 DATE….28/01/17 XEER MADAXWEYNE Lr: 0756/012017 Dhaqan-galka Wax-Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka Xeer Lr. 20/2001 (lifaaqa 6aad) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada, Go’aan Lr. GW/G/KF-32/712/2017 ee ku —3— taariikhaysan 11/01/2017 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka Xeer Lr.20/2001 (Lifaaqa 6aad); Wuxuu Soo Saaray Dhaqan-galka Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka Xeer Lr.20/2001 (Lifaaqa 6aad). Allaa Mahad Leh, Axmed Maxamed Silanyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland —4— —5— —6— WAX-KA-BEDELKA IYO KAABISTA XEERKA DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADA IYO G/DEEGAANKA LIFAAQA 6AAD XEER Lr.20/2001 GOLAHA WAKIILADA JSL Markuu Arkay:- Qodobadda 9aad, 22aad, 23aad, 25aad, 39aad, 82aad, 83aad, 111aad ee Dastuurka Qaranka JSL Markuu Dersay:- Nuqulkii xeerkii soo baxay 2001(Xeer LR.20/2001) ee suurto galiyay ka digo-rogashada hab-beeleedka iyo xaqiijinta himiladda ummadu ka dhursugaysay muddada dheer ee u tartanka xorta ah ee xilalka Qaranka, iyo Wax ka beddelkiisii ee la ansixiyay july 2009, May 2010, diisambar 2011, July 2012, ogost 2012. Markuu Tixgelayay:- waayo-aragnimadii laga dhaxley doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee sanadihii 2002, 2003, 2010, 2012. Markuu Xaqiiqsadey:- Baahida loo qabo in la isku dhafo nuqulkii hore ee xeerkan iyo wax ka bedelkiisa inta aan la abuurin, laguna daro wax ka bedelka Komishanka Doorashooyinka Qaranka u aragto daruuri hawlaha doorashooyinka iyo habka farsammo eek u salaysan waayo-aragnimadda —7— iyo farsamooyinka cusub ee diiwaangelinta oo lala jaanqaado. Markuu Arkay:- Soo jeedinta Guddi-hoosaadkiisa Arrimaha Gudaha oo eegtay isla markaana Golaha ugu soo war bixisay in la ansixiyo lifaaqa wax ka bedelka xeerkan. WUXUU ANSIXIYEY Wax-Ka-Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo G/Deegaanka (Xeer Lr. 20/2001). Wax-ka-beddelkani Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanku waxa uu Xeerka kusoo kordhiyay Qodobka 1aad, oo ah Magaca Xeerka, sidaa darteed, lambarka qodobadu way is-beddeli doonaan (is-riixi doonaan), waxa kale oo lagu soo kordhiyay qaab-dhismeedka Qaybaha Xeerka, iyada oo la isku raaciyay sida ay isku leeyihiin, kuna haboon yihiin. Waxa Xeerka lagu soo daray Qaybta 12aad oo ka hadlaysa Ciqaabta ku- xadgudubyada Xeerka, iyo Qodobka 68aad oo ah Xeer-nidaamiye. Guud ahaan wax-ka-beddelkani waxa uu saamayn ku yeelan doonaa Qodobadii: 1aad, 2aad, 3aad, 5aad, 6aad, 7aad, 8aad, 9aad, 10aad, 11aad, 14aad, 16aad, 18aad, 19aad, 21aad, 22aad, 23aad, 24aad, 26aad, 27aad, 28aad, 29aad, 30aad, 32aad, 36aad, 39aad, 42aad, 43aad, 45aad, 46aad, 47aad, 49aad, 51aad, 52aad, 55aad, 57aad, 60aad, 64aad, 65aad ee Xeerka hadda jira, waxa kale oo wax-ka- bedelkani sameeyay isku-dhaf Xeerka ah (Consolidation), iyada oo la isku-gurey dhamaan wax-ka-beddeladii 1aad, 2aad, 3aad, 4aad, 5aad iyo kan lixaad ba, waxana ay isku noqon doonaan hal Xeer oo ah Isku-dhaf (consolidated version). Qodobka 1aad Magaca Xeerka Wax-Ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka (Xeer Lr 20/2001). —8— Qodobka 1aad oo noqonaya iminka Qodobka 2aad Macnaha Erey-bixinta Waxa wax ka bedel lagu sameeyay “ereyadaan soo socda” DOORASHO Doorasho: - Waxa loola jeedaa kala saaridda murashaxiinta u tartamaya xilalka, iyadoo lagu go'aan qaadanayo aqlabiyadda codadka dadka ay khusayso. Waxa loo beddelay sidan: Doorasho: - Waxa loola jeedaa habka codbixiyayaashu ku soo doortaan wakiiladooda heer deegaan, heer gobol iyo heer qaran, iyada oo lagu go’aan qaadanayo aqlabiyada codadka la kala helay. GOOB-CODBIXIN Goob-codbixin: waxa loola jeedaa goobaha tirooyin dadweynaha ka mid ah oo isku degaan dhaw ka dhiibanayaan codkooda. Waxa loo beddelay sidan Goob-codbixin: waxa loola jeedaa goobta tirooyin dadweyne oo cayimani (ka diiwaangashani) ka dhiibanayaan codkooda maalinta doorashada. GOOB-DOORASHO Goob-Doorasho: waxa loola jeedaa barta kulmisa goobo- codbixineed oo loogu talagalay in lagu kala saaro laba murashax iyo wixii ka badan. Waxa loo beddelay sidan —9— Xarun-codbixineed: - waxa loola jeedaa barta kulmisa hal ama in ka badan oo goobo-codbixineed ah, oo la hawlgeliyo maalinta codbixinta. MURASHAX Murashax: waxa loola jeedaa xubinta uu ururkiisu/xisbigiisu u soo magacaabay inuu u tartamo xil lagu heli karo doorasho. Waxa loo beddelay sidan Murashax: waxa loola jeedaa qof kasta oo u tartamaya xil doorasho lagu helo karo, kaas oo buuxiyay shuruudaha u dejisan si waafaqsan Xeerkan, isla markaana uu ururkiisu/xisbigiisu u soo xulay in uu ku tartamo doorasho mucayin ah. COD-BIXIYE Cod-bixiye: waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee go'aankiisa ku dhiibanaya cod. Waxa loo beddelay sidan Cod-bixiye: waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta si waafaqsan Xeerkan kaas oo xaqiisa codbixineed gudanaya maalinta doorashada. DEGMO-DOORASHO Degmo-doorasho: waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya ugu yaraan hal goob-doorasho. Waxa loo beddelay sidan —10—
Description: