Waa Nuqul Dawli ah – lama iibin karo JAMHUURIYADDA SOMALILAND FAAFINTA RASMIGA AH SOMALILAND REPUBLIC ﺪﻨﻼﻴﻠﺍﻤﻭﺼ ﺔﻴﺮﻭﻬﻤﺠﻠ ﺔﻴﻤﺴﱠﺮﻠﺍ ﺓﺮﺸﱠﻨﻠﺃ OFFICIAL GAZETTE XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE QARANKA JSL, HARGEYSA E-mail: [email protected] Sanadka: 3aad Cadadka: 6aad ee June Taariikh: 05/07/2014 QIIMAHA CADADKA: SL. Sh. RUKUNKA (Subscription): QIIMAHA FAAFINTA AAN DAWLIGA AHAYN ee Qaybta Shanaad: Sadarkii Boggii kastaaba SL. Sh. TUSMADA CADADKA c QAYBTA KOWAAD: XEERARKA BAARLAMAANKA IYO XEER NIDAAMIYAYAASHA: 1) SOOMA BIXIN QAYBTA LABAAD: XEER NIDAAMIYAYAASHA IYO DIKREETOOYINKA MADAXWEYNAHA: 2) XEER MADAXWEYNE Lr: 0401/062014 149 Xeer-Nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta —147— QAYBTA SADEXAAD: DIGREETOOYINKA, WAREEGTOOYINKA, AMARADA & XEER NIDAAMIYAYAASHA WASIIRADA, IWM 3) Wareegto Wasaaradda Hawlaha guud Guriyanta iyo Gadiidka; Mamnuucid soo dejinta basaska albaabada bidixda ku leh. 161 QAYBTA AFRAAD: AMARADA & GO’AANADA MAAMUL 4) Amar Xayiraad; Maxkamada Gobolka 165 Hargeysa, 168 5) Baafin Dacweysane; Maxkamada Degmada Hargeysa, 6) Baafin Xukun; Maxkamada Degmada 169 Hargeysa, 7) Cadeyn Diiwaan Gelin Shirikada SOMHORIZONE, Xafiiska Xeer Illaalinta 171 Guud 8) Diiwaan Gelin Ivory International, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud 173 9) Diiwaan Gelin Shirikada Berberaawi Company, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud 174 10) Diiwaan Gelin Shirikada Byouth Fusion 176 Resources, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud 11) Diiwaan Gelin Shirikada Nuurs 178 Construction Company, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud 12) Diiwaan Gelin Shirikada Giireh 179 Genestone and Mineral Company, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud 13) Diiwaan Gelin Shirikada Tartiib 181 General Trading Company, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud —148— 14) Diiwaan Gelin Shirikada Miisaan 182 Healthcare Company, Xafiiska Xeer Illaalinta Guud 183 15) Cadeyn Diiwaan Gelin Shirikada CTG Global Limited (CTG), Xafiiska Xeer Illaalinta Guud QAYBTA SHANAAD: OGEYSIISYADA 16) SOOMA BIXIN QAYBTA LABAAD: XEER NIDAAMIYAYAASHA IYO DIKREETOOYINKA MADAXWEYNAHA: REPUBLIC OF SOMALILAND THE PRESIDENT JSL/M/XERM/249-2560/062014 DATE … 08/06/14 XEER MADAXWEYNE Lr:0401/062014 Xeer-Nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaybta 1aad Xubinta 1aad —149— Mabaadii’da Guud Qodobka 1aad Eray Bixin Muwaadin: Waxa looga jeedaa qofka ka isiran dadkii deganaa geyiga Somaliland 26-kii bishii 6- aad 1960-kii iyo wixii ka horeeyey iyo qofka sifo sharci ah lagu siiyey Jinsiyada Somaliland. Wasiir: Waxaa looga jeedaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Madaxweyne: Waxaa looga jeedaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Wasaaradda: Waxaa looga jeedaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Diiwaangelin: Waxaa looga jeedaa habka lagu uruurinayo xogta muwaadiniinta ee lagu gelinayo isla markaana lagu kaydinayo Diiwaanka Qaranka oo ay meel- —150— marinayso Wasaaradda Arrimaha Guduhu. Diiwaanka Qaranka: Waxaa looga jeedaa diiwaan lagu kaydiyo dhammaan magacyada muwaadiniinta la diiwaangeliyey. Xog: Waxaa looga jeedaa macluumaadka laga qoro qofka ee ku xusan Qodobka 11aad ee Xeerkan. Foomka Diiwaangelinta: Waxaa looga jeedaa waraaqda ku xusan Qodobka 11aad ee Xeerkan ee lagu qorayo xogta muwaadinka. Qodobka 2aad Dhaqan-gelinta Diiwaanka Qaranka ee Muwaadiniinta Waxa Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-geliyey Diiwaanka Qaranka ee Muwaadiniinta kaas oo looga gol-leeyahay in: A. Lagu diiwaan-geliyo muwaaddin kasta oo gaadhay da’da 16 jir. B. Uu noqdo meel lagu kaydiyo isla markaana lagu xafido xogaha laga qoro muwaaddinka. Qodobka 3aad —151— Lahaanshaha Diiwaanka Diiwaanku waa hanti qaran, waxaana uga masuul ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Qodobka 4aad Dadka Xaqqa U Leh in la Diiwaangeliyo Waxaa xaq u leh in la diiwaangeliyo muwaadin kasta oo gaadhay da’da Lix iyo Toban jir. Qodobka 5aad Ansixinta Diiwaangelinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u xilsaaran ansixinta Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta ee goob kasta. Qodobka 6aad Ilaalinta Xogta la Diiwaangelinta Waxaa reebban: 1. In xogta muwaadiniinta dalka laga saaro. 2. In aan daaha looga qaadin cid aan xeer awood u siin. 3. In wax laga beddelo hadaan ogolaanshiiyo laga helin cidda ka mas’uulka ah. Qodobka 7aad Daabacaadda iyo Xarunta Diiwaanka 1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka masuul ah habaynta, dhaqan-gelinta iyo daabacaadda diiwaanka muwaadiniinta. —152— 2. Diiwaanka guud waxa lagu haynayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana maamuli doona waax gaar ah oo uu madax ka yahay mas’uulka diiwaanka oo uu magacaabayo Wasiirka Arrimaha Guduhu. Qodobka 8aad Sugitaanka Muwaadinka Sugitaanka muwaadinka waxaa loo raacaya sidan soo socota: 1. Qof kasta oo raba in uu is diiwaan-geliyo waxaa xaqiijinaya Caaqilka, waxaana ansixinaya Wakiilka Maxkamadda ee Goobta ka dib markuu sidaa ku dhaariyo Caaqilka. 2. Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaangelinaya, waxa mas’uulka Goobtu xogta muwaadinka gelinaya foomka rasmiga ah ee Diiwangelinta. Qodobka 9aad Foomka Diwaangelinta Foomka diiwaan-gelinta ayaa sal-dhig u noqonaya diiwaan-gelinta Muwaadinka, iyada oo dhammaystiran ayuunbaa la gelin karaa diiwaanka. Foomka Diiwaan-gelinta waxa lagu qorayaa xogaha hoos ku qoran ee muwaadinka:- 1. Magaca qofka oo afaran. 2. Taariikhda dhalashada iyo goobtiisa dhalashada. 3. Lab/dhedig midkuu yahay. —153— 4. Sawirka qofka. 5. Lambarka taxanaha ah ee Warqadda Aqoonsiga. 6. Taariikhda uu dhacayo. 7. Deegaankiisa. 8. Tix-raaciisa Lambar. 9. Taariikhda la bixiyey. 10. Ciwaanka qofka. 11. Mihnadiisa. 12. Faraha ama Isha. 13. Sawirka wejiga ee qofka. 14. Saxeexa soo saaraha. 15. Saxeexa Muwaadinka. Xubinta 2aad Qodobka 10aad Goobta Diiwaangelinta Waxa la cayimayaa Goobo Diiwaangelineed, waxaana la dejinayaa nidaam lagu kala garto goobaha iyada oo la siinayo Degmo kasta tirsi lambar oo u gaar ah. Qodobka 11aad Hawl-galka Diiwaangelinta Bilawga hawl-galka diiwaangelinta Muwaadiniinta waxa sal-dhig u ah qoddobadan soo socda oo ay waajib tahay in la dhammaystiro. In loo raaco Diiwaangelinta heerarkan ama jaranjarooyinkan: —154— 1. Marka diiwaan-gelinta la sammaynayo waa in la sugo Muwaadinnimada Qofka Somalilanderka ah. 2. Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaangelinayaa, waxa la gelinayaa xogtiisa form-ka rasmiga ah. 3. Waxa isla goobtaasi lagu siinaya qof kasta oo ay sugnaato muwaadinnimadiisu warqad aqoonsi oo ku-meel gaadh ah. 4. Qofkasta oo ku guuldaraysta in uu sugo Muwaadinnimadiisa waxa lagu war-gelinayaa in uu keeno qof la yaqaan oo Hanti ma-guurta ah ku leh Deegaanka/Dalka, oo caddeeya in uu yahay muwaadin Reer Somaliland ah, kuna dammiinto hantidiisa. Qodobka 12aad Nidaamka Diiwaangelinta Muwaadinka. Maalin kasta inta aan la furin goobta diiwaangelinta waxaa mas’uuliyiinta Goobta ku waajib ah:- 1. In ay is-xaadiriyaan, islamarkaana ay saxeexaan qalabka diiwaangelinta iyagoo diiwaangelinaaya lambarka tixraaca Foom-ka Diiwaan-gelinta ee ay maalintaa ku shaqaynayaan. 2. Marka shaqo maalmeedka la soo gebagebeeyo waa in qoraal lagu cadeeyo tirada muwaaddiniinta la diiwaangeliyey maalintaa, isla markaana saxeexaan. —155— 3. Inay diiwaan-geliyaan dhacdooyinkii ay la kulmeen. Qodobka 13aad Dhaqan-gelinta Diiwaangelinta Iyada oo la adeegsanayo dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka: 1. Waa in la daabaco, islamarkaana la baahiyo xilliga loo cayimay Diiwaan-gelinta iyo dhammaan wixii xog ah ee ay muwaaddiniintu u baahan yihiin in ay ogaadaan. 2. Waxaa waajib ah in la baro islamarkaana lagu wacyi geliyo muwaaddiniinta muhiimadda ay Diiwaangelintu leedahay. Qodobka 14aad Xilka iyo Waajibaadka Mas’uuliyiinta Diiwaangelinta Xilka iyo waajibaadka mas’uuliyiinta Diiwaangelinta waxaa ka mid ah in: 1. Mas’uulka diiwaangalinta ee heer Degmo waxaa ku waajib ah in uu ka war bixiyo diiwaangelinta qabsoontay todobaad walba una gudbiyo Mas’uulkiisa heer Gobol xog faahfaahsan oo ku saabsan sida ay diiwaangelintu uga qabsoontay todobaadkii tagay Degmadiisa. 2. Mas’uulka heer Gobol ka dib marka uu soo uruuriyo warbixinta degmooyinka wuxuu u —156—
Description: